1893 Views

Madaxweyne Gaas ”Waxaan rajeynayaa in Soomaaliya ay mid noqota”

Madaxweyne Gaas ”Waxaan rajeynayaa in Soomaaliya ay mid noqota”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 01,  2018 –  Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo  ku aadan Xuska sanad guurada 58-aad ee  1- Luulyo,  maalintaas oo ahayd maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, ayna midoobeen Gobolada Koonfur iyo Waqooyi  ee Soomaaliya.

Madaxweye ayaa ku tilmaamay maalintaas in ay ahayd maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed,ayna ahaanayso waligeed, loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ka hormariso midnimadeeda wax walba.

Madaxweynaha oo ka hadlya qiimaha ay leedahay maalinta xornimada iyo midowga Soomaaliya ayaa waxaa uu yiri.

“Waxaan rabaa inaan halkaan tahniyad uga diro Shacabweynaha Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, maalinta 1- Luulyo ay kasoo wareegtay 58 sano curashadii Dowlad Soomaaliyeed, maalintii ay xoroobeen Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo ayadoo ku astaysan maalintii ay midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya, waxaana hambalyadaa u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, waxaan leeyahay meelkasta aad joogtaan ku ciida nabad galyo, midnimo, wadajir iyo Soomaalinimo, waxaan Alle ka rajeeynayaa in sanadkan sandkiisa kale aan ku gaarno Dowladdnimodeenii oo gaamurta, horumar Soomaaliyeed, midnimo Soomaaliyeed, wadajir Soomaaliyeed, Soomaaliya oo is cafida, Soomaaliya oo mid noqota, Soomaaliya oo sharafteedii iyo karaamadeedii dib ulasoo laabata, maalintaas waa maalin xusuus wayn ku leh qalbiga Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment