801 Views

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jisniyadda oo Hey’adda Socdaalka (IOM) kala wareegay Gaadiid loogu talagalay in ay ka howlgalaan xuduudaha Dalka.

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jisniyadda oo  Hey’adda Socdaalka (IOM) kala wareegay Gaadiid loogu talagalay in ay ka howlgalaan xuduudaha Dalka.
____________________________________________________________________________


Talaado: November 23, 2021

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jisniyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa Hey’adda Socdaalka Qaramada Midoobay (IOM) kala wareegay Gaadiid loogu talagalay in ay ka howlgalaan xuduudaha Dalka.

Gaadiidkaan oo ku qalabeysan qalabka Isgaarsiinta ayaa si toos ah ugu xirmi kara isgaarsiinta Xarunta dhexe ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo guud ahaan xarumaha Laamaha ay Hey’addu ku leedahay Gobolada Dalka. Madaxa Howlaha Hey’adda IOM ee Soomaaliya ayaa ku wareejiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn Agaasimaha ayaa uga Mahadceliyay Hey’adda IOM wadashaqeynta dhow ay la leeyihiin Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo taageerada joogtada ah oo ay la garab taaganyihiin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post