372 Views

Isku dhacyo Ciidan oo ka dhacay xuduudka dalalka Azerbaijan iyo Armenia

Isku dhacyo Ciidan oo ka dhacay xuduudka dalalka Azerbaijan iyo Armenia
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 13, 2022

Wasaraadda difaaca dalka Azerbaijan ayaa sheegtay in is rasaasayn ka dhacday xuduudka labada dal iyadoo ku eedaysay in Ciidanka Armenia isku dayeen in ay fadqalalo ka abuuraan xeryaha Ciidanka Azerbaijan eek u yaal gobolada Dashkasan, Kalbajar iyo Lachin.

Wasaraadda ayaa sidoo kale warbixinteeda ku xustay in kooxo qaswadayaal ahi miinooyin dhigeen waddooyinka ay isticmaalaan Ciidanka Azerbaijan.

Dalalka Armenia iyo Azerbaijan ayaa muddo tobanaan sano ah waxa u dhaxaysay muran ku saabsan gobolka Nagorno-Karabakh, kaas oo ku yaalla gudaha Azerbaijan, balse  ay gacanta ku hayeen ciidammada qowmiyadda Armenia oo ay taageerayaan Armenia tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii gooni-u-goosadka ee halkaas ka dhacay 1994-kii.

Azerbiajan ayaa dib u soo ceshatay gacan ku haynta qaybo badan oo ka mid ah gobolka Nagorno-Karabakh iyo deegaannada ku xeeran oo ay gacanta ku hayeen kooxaha gooni u goosadka ah ee ay Armeeniya taageerto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post