255 Views

Wasiirka Gaashaandiga oo Hoggaamiyaha Militeriga Suudaan kala hadlay dagaalka Al-shabaab

Wasiirka Gaashaandiga oo Hoggaamiyaha Militeriga Suudaan kala hadlay dagaalka Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 5, 2022

Kulan laba geesood ah oo ay kuwada qaateen magaalaada khartuum ee dalka suudaan wasiirka gaashaandhigga soomaaliya Cabdiqaadir maxamed nuur jaamac iyo Madaxweynaha golaha sare ee siyaasadda ahna taliyaha guud ciidamada milatariga ee dlaka Suudaan Cabdifutaax al burhaani ayaa looga hadlay xiriirka labada dowladood sidii loo adkayn lahaa.

Kualnka ayaa sidoo kale la isla meel dhigay Sida la iskaga kaashan lahaa dhismaha ciidanka iyo la dagaalanka waxyaabaha loogu yeero argagixisada.

Madaxweynaha golaha sare  ee siyaasadda ahna taliyaha guud ciidamada milatariga ee dlaka Suudaan general Cabdifutaax al burhaani ayaa sheegay in mar waliba dowladda soomaaliya ay garab-taaganyihiin ayna kordhin doonaan kaalmada ay siin jireen shacabka soomalaiyeed.

General burhaan ayaa intaa ku daray in muhiim ay tahay in la iska dulqaado kooxaha argagixsada si loo sugo amniga gudaha hayeesheena ay qeyb ka qaadan doonaan dhismaha ciidanka xoogga dalka soomaaliya.

Soomaaliya ayaa qeybo kamid ah waxaa ka socda dagaal ka dhan ah al-shabaab kaasi oo la doonayo in dalka looga saaro, dagaalkaas ayaa waxaa iska garab sanaya ciidanka dowladda, ciidanka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo duqeymo fuliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post