258 Views

Jaamacadda Accord oo martigelisay kulan lagu xusayay maalinta xuquuqda aadanaha Q/Midoobay

Jaamacadda Accord oo martigelisay kulan lagu xusayay maalinta xuquuqda aadanaha Q/Midoobay
____________________________________________________________________________

Khamiis, 15 December [Qaranimo Online] Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta xuquuqda aadanaha caalamiga ah, ayna qabsoomideeda iska kaashadeen Hay’adda Qaramada Midoobay Soomaaliyeed iyo Jaamacada Accord, ayaa lagu qabtay Muqdisho.


Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada oo ay ka mid yihiin; ardayda wax ka dhigata Jaamacadaha Muqdisho, haween, culumaa’udiin & waxgarad ka socday bulshada waxaa diirada lagu saaray sidii lagaga hortegi lahaa tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.


“Booliiska Soomaaliya kuma dhaqmo shuruucda dastuuriga ah ee tilmaamaysa habka iyo goorta uu isticmaali karo xabad. Dadka ay qabtaan waxay kula kacaan tacadiyo jir iyo kuwo aflagaado iyaga oo isticmaala marka ay dadka xirayaan awood xad dhaaf ah. Dadka waxyeelada ka soo gaarto gacanta booliiska waxa ka mid ah dad naftooda ku waayahay iyo kuwo ku dhaawacmay.”ayuu yiri Dr. Cali Maxamed oo ka mid ahaa aqoonyahanadii kulankaasi ka qeybgalay, wuxuuna ugu baaqay laamaha cadaaladda Dowladda in ay il-gaar ah ku eegaan tacadiyaddaasi.

Xoghaya Hay’adda Q/Midoobay ee Soomaaliyeed Prof. C/qaadir oo kulankaasi ka hadlay, wuxuu dhinaciisa ka codsaday Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dawlad Goboleedyada , iyo hay’adaha garsoorka, si ay u gutaan waajibaadkooda ku aadan xuquuqul insaanka in ay muujiyaan dedaalo dheeri ah oo ay kula soconayaan tacadiyada dalka ka dhacaya.

Prof. C/qaadir, waxaa kale uu ku nuuxnuuxsaday in warbaahintu door shariif ah ka qaadan karto kor u qaadista wacyiga bulshada, isaga oo ku baaqay in si wadajir ah lagaga hortago xadgudubyada loo geysanayo saxafiyiinta ah oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa soo gudbiyo codka & dareenka bulshada.


“Waxaan bogaadinayaa doorka ururada bulshada rayidka ay ku leeyihiin ilaalinta iyo dificaacidda xuquuqda aadahana dalkeena Soomaliya” ayuu yiri Xog-Hayaha Hay’adda UNASOMALIA ama UNASOM, Prof. Abdulkadir Basheer Mohamed mar uu ka hadlayay tababarka.

“Looma sii dulqaadan karo inaan marqaati ka sii ahaano tacadiyo lagula kaco bini’aadamka oo aan dhaqankeena & diinteena meelna ka soo gelin” Ayuu yiri Profasoorka.

Mudathir Xassan oo ku hadlayay magaca ururada bulshada, wuxuu soo jeediyay in ay lagama maarmaan tahay wada-shaqeynta laamaha amniga & kuwa xuquuqda aadanaha si loo yareeyo dembiyadda iyo tacadiyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.

Mudathir, wuxuu ku ammaanay xafiiska xuquuqda aadanaha Q/Midoobay shaqada adag ee xafiisku ka qaatay u qareemida dulmanayaasha ilaalinta sharciga iyo helida cadaalad lagu wada qanacsan yahay.

Caa’isha C/ladiif Xassan oo ka mid ah ardayda wax ka dhigata Jaamacadda Accord oo madasha ka hadashay waxay soo qaadatay tacadiyada kufsigu ka mid yahay ee ay la kulmaan haweenka, waxayna ku boorisay ururada xuquuqul insaanka in ay Hay’adaha Dowladda ay culeyska ku saaraan in ay xeer ama shuruuc gaar ah loo

“Soomaaliya tacadiyada ka dhaca waxaa ugu badan ee loo geystaa waa dadka birima-geydada ah ee ay haweenku ugu horreeyaan, haweenka la kufsado xisaab ma leh; Sidoo kale waxaa aad u soo badanaya guurka qasabka ah” Ayeey tiri Caa’isha waxayna kaga mahadcelisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya tababarka ay maanta u qabatay hormuudka bulshada.

“Waxaaa nasiib darro ah in ay weli sii socdaan tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, bulshada waa in laga qabto dambiilayaasha ka xagudubyada xuquuqda aadanaha” Ayuu yiri Najiib Xassan oo ka mid aqoonyahanadii kulankaasi ka hadlay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post