918 Views

Diyaarad Sidda tallaalkii labaad ee COVID-19 oo soo gaartay Muqdisho

Diyaarad Sidda tallaalkii labaad ee COVID-19 oo soo gaartay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 11, 2021–Diyaarad sida 200.000 oo Talaalka Covid-19 nuuca Sinopharm Vaccine oo ay dowladda China ugu deeqday Soomaaliya ayaa goordhow soo gaartay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo masuuliyiin kale ayaa kala wareegay agabkaan safiirka dowladda China u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian.

Dhawaan Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha  Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa la saxiixday dowladda dalkaas heshiis tallaalka looga hortago cudurka COVID-19  shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha lagu keenayo Soomaaliya.

Amb, Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in talaalkan ay dowladda Shiinaha ay dalkeena ugu deeqdo si Bulshada Soomaaliyeed ee uu dhibaatada ku hayo Cudurka Cornavirus uga hfaa’iideystaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post