729 Views

Puntland oo shir ka yeelatay kororka Cudurka COVID-109

Puntland oo shir ka yeelatay kororka Cudurka COVID-109
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 08, 2021 —Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan, ayaa safar shaqo ku tagay Magaalada Qardho, kaas oo la xiriira u kuur-galida iyo ka jaawaabidda xaalada magaalada si gaar ah xanuunka Covid-19 oo fara ba’an ku haya Magaalada Qardho kaas oo in dad badan ay ugu dhinteen labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Wasiir Jaamac ayaa ugu horayn saraakiisha ka shaqaysa Wasaarada Caafimaadka iyo Agaasimaha cusbitaalka guud kula kulmay xarunta wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Karkaar, iyagga oo ugga waramay xaalada guud ee Magaalada, waxyaabaha la qabtay iyo baahiyaha jira ee la tabayo.

Kala warqaadasho ka dib  wasiir Jaamac ayaa  booqday, Xarunta Cafimaadka ee Gacan-libaax, Cusbitaalka Guud ee Qardho,xarunta karantiilka ee Magaalada Qardho, ugu danbayna waxa uu shir la yeeshay maamulka gobolka karkaar.

Wasiirka ayaa dhamaan madaxda kala duwan ka dhagaystay sidda loola tacaaalayo xanuunka Covid-19 iyo talaaboiyinka ay qaadeeen tan iyo intii xanuunku soo laba-kacleeyay, waxayna  wasaaradu go’aamisay in xarunta karantiilka ay hadda ka dib hoos-tagi doonto cusbitaalka guud ee Magaalada Qardho.

Wasaaradda ayaa horay ugaysay Oxygeen iyo adeegyada kale ee ay ubaahanyihiin xirfadlayaasha caafimaad ee ku sugan gobolka Karkaar.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post