2685 Views

Muslimiinta Caalamka Oo Maanta Siweyn Ugu Dabaal Degaya Maalinta Koowaad Ee Ciida Carafo

Muslimiinta Caalamka Oo Maanta Siweyn Ugu Dabaal Degaya Maalinta Koowaad Ee Ciida Carafo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 21, 2018Maanta ayaa waxaa siweyn looga Ciidayaa Maalinta koobaad ee Ciidul Adxa,iyada oo shalay Ummadda Muslimiinta ah intooda badan ay ahaayeen kuwo Soomaanaa.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha sida weyn Maanta looga ciidayo,waxaana socda diyaar  garow ku aadan Goobaha dadka ay ku dukan doonaan Salaada Ciida,waana kala qeyb geli doona Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa isugu hambalyeeynaya Maalinta koobaad ee Ciidul Adxaa,iyaga oo qaarkood Guryaha isku booqanayaan.

Xaafadaha qaar ayaa waxaa lagu qalayaa Xoolo maadaama ciidan ay tahay Ciidul Adxaa dadka intooda badan ay dhigtaan Duco,lana cunayo Hilib iyo Xalwo intaba.

Sidoo kale Wadooyinka Waaweyn ee Muqdisho iyo Gobolada kale  ee dalka ayaa waxaa lagu arkayaa Carruur yar yar iyo Waalidiintooda oo gacmaha isheysta si ay uga qeyb galaan Maalinta koobaad ee Ciidul Adxaa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment