1248 Views

Soomaaliya oo Masar kaga qeyb-gashay Shirka Ururka Islaamka

Soomaaliya oo Masar kaga qeyb-gashay Shirka Ururka Islaamka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee  Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Libaax Ibrahim iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar kaga qeyb galaya shirka Ururka Islaamka.

Wasiir ku xigeenka ayaa kulamo hareer socda shirka la qaatay wasiiradda dhiggiisa ah ee ka qeyb galay shirka, isagoo kala hadlay sidii laysaga kaashan lahaa dhibaatooyinka xagga Biyaha ah ee ka taagan qaar ka mid ah Dunida Islaamka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka Todobaadka Biyaha Masar oo Khamiista Maanta ah lagu soo gebagabayn doono Magaalada Qaahira, iyadoo la wado in uu halkaasi ka jeediyo Khudbad ku aaddan habka uu Dalkeennu ugu faa’iideysan karo Kheyraadka Biyaha.

Wasiiradda Biyaha ee Dowladaha ku midoobay Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC  ayaa Sanadkiiba ka arrinsada Biyo yarida ka jirta Waddamada ka tirsan Ururkan.

Kulamada noocan oo kale ah ayaa waxa laga soo saaraa war murtiyeed ku saaabsan in si guud loo taageero Dalalka ay haysato Biyo yarida iyo sidii loo horumarin lahaa ka faa’ideysiga kheyraadka Biyaha.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment