1893 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle oo beeniyay wararka sheegaya inuu aaday Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Hirshabeelle oo beeniyay wararka sheegaya inuu aaday Imaaraadka Carabta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 31, 2018 – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu u aaday dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo horay u tageen Madax ka tirsan maamul goboleedyada dalka.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta oo la tago aanay dambi aheyn, balse howlo u gaar ah u joogo magaalada Nairobi.

“In Imaaraadka la tago dambi ma ahan, laakiin waxaa ku suganahay magaalada Nairobi oo aan maalmahan howlo gaar ah aan u joogay, maalinta jimcaha ayaa Muqdisho tagayaa oo aan uga gudbayaa shirka Amniga ee Baydhabo ka dhacaya”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Qaar ka mid ah Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay qabsaday in Madaxweynaha Hirshabeelle uu u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay sheegeen in loo yeeray.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa ku wada sugan Madaxweynayaasha maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland, waxaana socdaalkooda ahaa kuwo kala gaar ahaa oo marba Mas’uul uu tagay magaaladaas

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa dhowaan tagay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, iyadoo socdaalkooda uu ku soo aaday, xilli uu mugdi galay xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Imaaraadka Carabta ayaa xiriir dhow la leh maamul goboleedyada qaar, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ay faragelin toos ku heysay arrimaha Soomaaliya.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment