627 Views

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ku sii jeeda Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ku sii jeeda Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland.
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 15, 2021

Maanta ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed laftagareen uu safarkii ugu horreeyoayay ku  tago Magaalada Kismaayo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu sheegay arrimo la xiriira doorashooyinka socda, iyada oo dhawaan Maamulka Jubbaland uu bilaabayo doorashada Golaha Shacabka.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa inay yeeshaan kulan gaar ah, kaas oo ay uga hadlayaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, iyadoo la sheegayo in labada dhinac is dhaafsanayaan dano kala duwan oo isaga xiran, gaar ahaan kuraas Xildhibaan oo rag aad ugu dhow labada Madaxweyne ay u rabaan, kuwaasoo kuraastooda taal Kismaayo iyo Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qaar kamid ah Golaha Wasiirada Jubbaland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post