789 Views

Galmudug oo soo saartay digniin ku socota dadka kunool Hobyo

Galmudug oo soo saartay digniin ku socota dadka kunool Hobyo
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 26 2020
—Wasiirka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa uga digay shacabka ku nool magaalada Hobyo ee gobolka Mudug iyo dadka ka imaanaya deegaanada kale ee dhulka ka cabirta degmadaas, iyagoon marin hab-raaca sharciga ah ee dhul bixinta.

Fiqi ayaa sheegay in dhawaan ay billbaabi doonaan howlgallo looga hortegayo dadka ku kacaya dhul boobka, tallaabo sharciga waafaqsana laga qaadi doono ciddii lagu qabto falkaas.

Waxa uu sheegay in hay’adaha dawladeed ee ku shaqada leh dhul bixinta haatanba ay degmada joogaan, lana xoojin doono, si ay mas’uuliyaddooda u gutaan, balse aan la aqbali karin in dhul baaxad leh uu hal qof xaraysto, iyadoon la qoondeynin dhulkii xarumaha danta guud laga hirgalin lahaa iyo jidadka.

Degmada Hobyo oo dhawaan la filayo in laga bilaabo dhismaha Dekad ay yeelato Galmudug ayaa waxay arrintaasi ka abuurtay in magaaladu noqon doonto xarun ganacsi, waxaana dadku ay wadaan inay dhul ka cabirtaan ama ay ka gataan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post