687 Views

Wafdi ay horkacayso Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Ceelberde

Wafdi ay horkacayso Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Ceelberde
____________________________________________________________________________


khamiis: November 25, 2021

Wafdigaan oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka soctay  Wasaaradda Gargaarka maareynta masiibooyinka  Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo hay’adaha U-ka oo dhowr xafiis ka kala socday, waxa ay booqdeen xarumaha Caafimaadka ee kaamamka ay ku noolyihiin Barakacayaasha  iyo Ceelasha magaalada oo biyahooda gabaabsi yihiin.

Inta ay ku gudajireen boogashada dadka ku jira kaamamka waxa ay warbixino ka dhegeysteen qaar ka mid ah Barakacayaasha kaamamka degan oo ka hadlay duruufaha ay ku nool yihiin

kormeerkaan oo ay ugu kuurgalayeen xaalada dhabta ah ee degmada ka dib wafdiga waxay ay kulan la qaateen  Maamulka Degmada Ceelberde, Waxana ka dhegeysteen saamaynta ka dhalatay abaarta, xaalada Barakacayaasha iyo biyo yarida ka jirta Degmada Ceelberde waxana si guud xaalada degmada wafdiga ula wadaagay guddoomiyaha degmada Ceelberde .

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post