1584 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka horyimid dhaarintii Wasiirka cusub ee amniga,

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo  ka horyimid dhaarintii Wasiirka cusub ee amniga,
____________________________________________________________________________

Khamiis: September 9, 2021

Saacado kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisa dhamaaday  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka horyimid dhaarintii maanta ee Wasiirka cusub ee amniga, sheegayna inay baalmarsan tahay sharciga.

Mursal ayaa ku dooday in dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaariyo Golaha Shacabka, taasi oo ku sheegay inay iskugu jirto ansixin iyo dhaarin wada socda.

“Waxaan si xushmad iyo qadarin leh kuula socodsiinayaa in ay Golaha Shacabka soo gaartey in Wasiirka magacaaban uu dhaariyey maanta Wasiirka Cadaalada ee Xukuumadaada iyadoon wax ansixin ah laga codsan Golaha Shacabku si waafaqsan Qodobka 69 (d) iyo 100aad farqadiisa (C) ee Dastuurka Federaalka iyo qodobka 104-aad ee kusaabsan dhaar marinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Sidoo kale waxa uu dhaarinta wasiirka amniga ee maanta ku tilmaamay mid uu iska watay Ra’iisul Wasaaraha, oo asagu hore u soo magacaabay, ansixiyey, haddana dhaariyey, kadibna xilka ku wareejiyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post