918 Views

Dagaal u dhaxeeya Taalibaan iyo Daacish oo ka socdabariga Afghanistan

Dagaal u dhaxeeya Taalibaan iyo Daacish oo ka socdabariga Afghanistan
____________________________________________________________________________

Sabti: October 30, 2021

Dhowrkii maalmoodba, meydad ayaa lagu daadiyaa duleedka magaalada Jalalabad ee bariga Afghanistan.

Qaar waa la toogtay ama la daldalay, qaarna qoorta ayaa laga jaray. Qaar badan ayaa jeebkooda waxaa ka buuxay waraaqo gacan ku qoran, kuwaas oo lagu eedeynayo in ay ka tirsan yihiin ururka IS ee ka dagaalama Afgaanistaan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilalka foosha xun, laakiin Taaliban ayaa si weyn loo aaminsan yahay inay mas’uul ka tahay. IS ayaa bishii August meel ka baxsan garoonka diyaaradaha ee Kabul ka geysatay weerar ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen in ka badan 150 qof, waxaana ay si weyn ula loolamayaan Taliban. Labadan kooxood ayaa hadda waxaa dhexmaraya dagaal uu dhiig badan ku daatay. Jalalabad-na waa jiidda hore.

Xaaladda Afgaanistaan ​​haatan waa ay deggantahay ka dib markii uu dhamaaday kacdoonkii Taalibaan. Hase ahaatee Jalalabad, waxay ciidammada Taalibaan la kulmayaan weeraro qorsheysan oo maalinle ah.

IS ayaa adeegsanaysa xeelado ku dhufoo-ka-dhaqaaq ah oo ay Taalibaan horay ugu adeegsan jireen dawladdii hore. Waxaa weeraradaasi ka mid ahaa bambooyinka la dhigo waddooyinka iyo dilalka qarsoodiga ah.

IS waxa ay Taalibaan ku tilmaantay in ay yihiin “murtadiin” aanan adkayn halka Taalibaanna ay IS ku eedeeyaan inay yihiin xagjiriin bidco ah.

Gobolka Nangarhar, oo uu ku yaallo Jalalabad, madaxa sirdoonka ee Taliban waa Dr Bashir. Waxa uu hore gacan uga geystay sidii IS looga saari lahaa dhufays yar oo ay ka dhisatay deegaanka Kunar ee deriska la ah.

Dr Bashir ayaa beeniyay in uusan shaqo ku lahayn meydadka lagu soo bandhigay wadada dhinaceeda, balse waxa uu sheegay in ciidankiisa ay xireen tobanaan ka tirsan IS. Dagaalyahanno badan oo ka tirsan IS oo u xirnaa dowladdii hore ayaa ka baxsaday xabsiga intii ay socotay fowdada iyo la wareegidda Taliban ee Afghanistan.

Dr Bashir iyo xubno kale oo ka tirsan Taalibaan waxay sheegeen in dagaalkii Afgaanistaan ​​uu ugu dambeyntii dhamaaday, isla markaana ay nabad iyo ammaan ku soo dabaalayaan Afgaanistaan iyagoo meesha ka saaray khatarta IS. Dr Bashir waxa uu aad ugu fogaaday in IS aanay xitaa si rasmi ah uga jirin Afgaanistaan, inkastoo ay jiraan caddaymo liddi ku ah.

“Magaca ‘Daacish’ waxa loola jeedaa Suuriya iyo Ciraaq,” ayuu yiri. “Ma jiraan koox qas-wadayaal ah oo wata magaca ‘Daacish’ halkan Afgaanistaan.” Taas beddelkeeda waxa uu ku tilmaamay “koox khaa’inul waddan ah oo ka soo horjeestay dawladeena Islaamka”.

Dhab ahaantii, IS ma aha oo kaliya inay si rasmi ah ugu sugan yihiin Afgaanistaan, waxay sameeysteen qayb gaar ah ama “gobol” oo la yirahdo, “IS-Khorasan” – iyaga oo adeegsanaysa magac qadiimi ah. Kooxdan ayaa markii ugu horeysay ka aas aasantay dalka Afgaanistaan ​​sanadkii 2015-kii, waxaana ay fuliyeen weeraro argagax leh sanadihii xigay, balse tan iyo markii Taalibaan ay la wareegeen gacan ku haynta dalkaasi, waxa ay bilaabeen weeraro ismiidaamin ah oo ay ka geysteen ​​deegaano ka tirsan dalkaasi.

Horaantii bishan, IS waxay weerartay masaajido ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay ee Shiicada ee ku yaalla waqooyiga magaalada Kunduz iyo magaalada Qandahaar ee ay Talibanka ku xooggan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Dr Bashir waxa uu ku adkaysanayaa in aanay jirin sabab walaac keeni karta. “Waxaan u sheegaynaa aduunka in aanay ka welwelin,” ayuu yiri. “Haddii koox yar oo khaa’inul waddan ah ay kacaan oo ay fuliyaan weerarradaas, Illahay idamkii, sidii aan uga adkaannay isbahaysi ka kooban 52 waddan oo dagaal nagula ku jiray ayaan iyaguna uga adkaan doonaa.” Isagoo dagaal jabhadeyn ah ku jiray muddo labaatan sannadood ah , Dr Bashir wuxuu intaasi ku daray, “waa ay noo fududahay inaan ka hortagno dagaal jabhadeed”.

Balse cabsida laga qabo kobaca IS ayaa waxaa la wadaaga dadka reer Afgaanistaan ​​oo markii horeba ka daalay sanado badan oo dhiig daadanayay iyo sidoo kale wadamada deriska ah iyo reer galbeedka. Saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay in IS-ta Afgaanistaan ​​ay kordhin karto awooddeeda ay weeraro dibadda ah ku qaadi karaan lix bilood ilaa sannad gudahiis.

Waqtigan xaadirka ah, IS ma maamusho dhul ka mid ah Afgaanistaan. Kooxda ayaa waxaa horay ugu suurtagashay in ay saldhigyo ka sameystaan ​​labada gobol ee Nangarhar iyo Kunar. Kooxdu waxay haysataa dhawr kun oo dagaalyahan marka la barbar dhigo ku dhawaad ​​70,000 oo ka tirsan ururka Taalibaan, kuwaas oo hadda ku qalabaysan hubka Maraykanka.

Balse waxaa jirta cabsi laga qabo in IS ay qorto qaar ka mid ah dagaalyahannada kale ee ajnabiga ah ee Aasiyada dhexe iyo Pakistan ee la rumeysan yahay in ay saldhig ku leeyihiin dalka, iyo sidoo kale xubnaha Taliban ee niyad jabsan haddii mustaqbalka ay sameysmaan kooxo iska soo jeeda.

Mareykanka ayaa rajeynaya inuu sii wado adeegsiga duqeymaha laga sameeynayo meelaha ka baxsan Afgaanistaan, si loo beegsado IS. Taalibaan si kastaba ha ahaatee, waxay ku dhiirran yihiin inay awoodaan inay kaligood ka taqalusaan fallaagada.

Maalmihii la soo dhaafay, tobanaan ka tirsan IS ayaa isku dhiibay ciidamada Dr Bashir ee ku sugan Nangarhar. Mid ka mid ah, waa xubin hore uga tirsanaa Taalibaan, waxa inoo sheegay inuu niyad jabay ka dib markii uu u goostay dhanka IS.

Taalibaan, waxa ay marar badan ku nuuxnuuxsatay in ujeedadooda kaliya ay tahay in “Imaarad Islaami ah” laga sameeyo Afgaanistaan, balse waxa uu inoo sheegay in IS ay leedahay hami caalami ah.

IS “waxay soo saarayaan hanjabaado ku wajahan aduunka oo dhan. Waxay rabeen inay xukunkooda gaarsiiyaan aduunka oo dhan,” ayuu yiri. Laakiin “hadalka iyo ficilka way kala duwan yihiin,” ayuu raaciyay. “Ma laha awood ku filan oo ay ku qabsan karaan Afgaanistaan.”

Cabdul Raxmaan Mawen oo u dhaq dhaqaaqa bulshada rayidka ayaa gaarigiisa oo ka soo baxay aroos horaantii bishan, ayay rag hubeysan rasaas ku fureen gaarigiisa.

Laba wiil oo uu dhalay oo da’doodu kala ahayd 10 jir iyo 12 jir ayaa baabuurka ku khalkhalay markii aabbahood toogasho lagu dilay. IS ayaa soo saartay bayaan kooban oo ay ku sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Shad Nuur oo la dhashay Cabdul Raxmaan ayaa sheegay inuu niyad jabay. “Markii ay Taalibaan xukunka la wareegtay, aad ayaan ugu farxnay, waxaanan rajo ka qabnay: in musuqmaasuqa, dilalka, iyo qaraxyada la ciribtiri doono,” ayuu yiri.

Laakiin hadda waxaan ogaanay in xaalad cusub nala soo darsitay, waa magaca Daacish.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post