390 Views

Madaxda ugu sarreysa dalka oo hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo u dabaal dagaya sanad guurada 79aad

Madaxda ugu sarreysa dalka oo hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo u dabaal dagaya sanad guurada 79aad
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan Xuska Sannad Guurada 79-aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta amniga dalka, nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markasta ay naftooda u huraan ciidda iyo Calanka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray iidanka booliiska munaasabadda 79-sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aas aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa dhammaan saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleyda iyo dableeyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu hambalyey maalintan oo ku weyn Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo booliska ku tilmaamay ciidan ku suntan dulqaad, xasilinta Bulshada Soomaaliyeed iyo ilaalinta degaanka.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa u hambalyo u diray dhammaan Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda.

20 December sanad waliba maanta oo kale ayaa loo dabaal dagaa xuska maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan maanta 79 sano guurada ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay Ciidanka Booliska oo ku beegneyd December 20, 1943-dii.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post