1053 Views

Odayaasha Dhaqanka Cadaado oo ogolaaday inay la kulmaan RW Kheyre

Odayaasha Dhaqanka Cadaado oo ogolaaday inay la kulmaan RW Kheyre
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 09, 2019 —Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa Maanta kulan ku yeeshay Wasiir dowlaha howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya & Odayaasha Dhaqanka Magalada Cadaado, isaga oo Wasiirka uu kala hadlay sidii ay ula kulmi lahaayeen ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka Magalada Cadaado ayaa shalay diiday inay la kulmaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyaga oo sheegay in uu uu uga baxay balan hore uu la galay.

Wasiir dowlaha howlaha guud iyo dib u dhiska Somaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Odayaasha Dahqanka Cadaado ka dalbday inay muhiim tahay in ay Ra’iisul Wasaaraha kala hadlaan tabashada ay qabaan.

Waxaa uu sheegay in dadka degan Magalada Cadaado ay xaq u leeyihiin inay soo bandigaan cabashadooda,waxaana uu Odayaasha Dhaqanka u soo jeediyay inay la kulmaan Ra’iisul Wasaaraha.

Wararka haatan laga helayo Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in Odayaasha Dhaqanka ay ogolaadeen inay la kulmaan Ra’iisul Wasaaraha,isla markaana ay u gudbiyaan cabashada ay qabaan.

 

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa la filayaa in markii saddexaad uu ku laabtao Magalada Cadaado,isla markaana uu la kulmo Odayaasha iyo Waxgaradka Magaaladaas.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment