4134 Views

Taliyihii Booliska Puntland oo shaqada laga joojiyay

Taliyihii Booliska Puntland oo shaqada laga joojiyay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL |  August 28, 2017 – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Cumar Camey ayaa shaqo ka fariisin ku sameeyay Taliyihii Booliska Maamulka Puntland C/Qaadir Shire Faarax (Ereg).

Warqad uu ku saxiixan yahay Cameey ayaa lagu sheegay in Ereg laga fariisiyay shaqada Booliska Puntland iyada oo uusan Madaxweyne ku xigeenka sheegin sababta keentay shaqo joojinta uu ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland.

Warqadda ayaa lagu faray Madaxda kala duwan ee Maamulka Puntland in ay la socdaan warqadda uu Camey soo saaray ee fareysa shaqo joojinta Ereg.

Ereg,ayaa xilkan loo magacaabay Bishii may ee Sanadkii 2016kii,waxaana uu xilligaas kala wareegay C/Risaaq Afguduud oo xilkaas ku waayay gacan ka hadal dhexmaray Taliyihii Ciidanka Birmadka Puntland Afdalow,gacan ka hadalkaas oo sababay in uu dhaawacmo Wasiirkii hore ee Amniga Puntland Qarjab.

w

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment