1206 Views

Maxay dadka Zimbabwe u aaminsan yihiin in weli Mugabe uu qabriga ka soo maamulayo?

Maxay dadka Zimbabwe u aaminsan yihiin in weli Mugabe uu qabriga ka soo maamulayo?
____________________________________________________________________________

June 6 2021

Hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay dalka Zimbabwe Robert Mugabe, oo geeriyooday sanadkii 2019, ayaa u muuqda mid xukunkiisii uu weli saameyn ku leeyahay dalkaas.

Qaraabada Robert Mugabe ayaa sheegay in markii uu geeriyoonayay uu qabay ciil maaddaama laga tuuray xukunka uuna xilka la wareegay Madaxweyne Emmerson Mnangagwa – ciilkaas uu qabay, ayay aaminsan yihiin, xitaa dhimashadiisa kaddib inuu dhibaato ku keenayo dalkaas.

Sida ay aaminsan yihiin qaar ka mid ah bulshooyinka Afrika, qofka dhintay wuu soo hadli karaa, iyadoo “ruuxaantiisa ay iska caabbiso wax walba oo caqabad ku ah”. Sidaas darteedna, waxay ku talinayaan in la iska ilaaliyo si aysan dhibaato uga imaan.

Haddii la is barbar dhigi lahaa dabeecaddii Mugabe ee markii uu noolaa, iyo ruuxaanta meydkiisa ay bulshooyinkan aaminsan yihiin, waxay la mid noqon lahayd holaca foolkaanadii dhowaan ka qaraxday Buurta Nyiragongo ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, taas oo afka u dhiganeysay wax walba oo ka hor yimaada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post