1743 Views

Sawiro:-Ugaandha Oo Ciidamo Horleh Usoo Diraysa Soomaaliya

Sawiro:-Ugaandha Oo Ciidamo Horleh  Usoo Diraysa Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 08, 2018-Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Ciidamo dheeraad ah ay u soo direyso Soomaaliya si ay qeyb ugu noqdaan howlgalka AMISOM ee lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Uganda David Muhoozi, oo ciidamadan la dardaarmayay ayaa sheegay in Al-shabaab lala dagaallami karo lagana adkaan karo, haddii Ciidamada ay u dhaqmaan sida loo tababaray.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Uganda ee ku biiraya Howlgalka AMISOM ay qaateen tababar lix bilood ah oo ah sida loo dagaallamo, la isu difaaco, loona fuliyo howlgallada.

Ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya ayaa ka tirsan qeybta 26aad ee Ciidanka Difaaca Uganda kuwaas oo xaruntoodu tahay degmada Nakaseke ee Dalka Uganda.

David Muhoozi, ayaa ka codsaday Ciidanka in ay ku dhaqmaan akhlaaq wanaagga la baray,kana fogaadaan in ay sumcad xumo kala kulmaan Dadka Soomaalida ah.

Al-shabaab ayaa bishii April ee Sanadkan 8 ka mid ah Ciidamada Uganda  ku dilay Gobolka Shabeellaha hoose halka ay lix kale ku dhaawacmeen.

Uganda waxaa ay ka mid tahay Waddama Ciidamada ugu badan ku leh howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment