777 Views

Hoggaamiyaha Taliban oo sheegay in xal siyaasadeed lagu soo afjaro dagaalka Afghanistan.

Hoggaamiyaha Taliban oo  sheegay in xal siyaasadeed lagu soo afjaro dagaalka Afghanistan.
____________________________________________________________________________

Axad: july 18, 2021

Hoggaamiyaha Taliban ayaa sheegay in kooxda ay si adag u taageereyso in xal siyaasadeed lagu soo afjaro dagaalka Afghanistan.

Hibatullah Akhundzada wuxuu sheegay in aysan ogolaan doonin in Afghanistan laga soo abaabulo tallaabooyin halis gelinayo amniga dal kale.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli maalintii labaad saraakiil mataleysa Taliban iyo dowladda Afghanistan uu wadahadallo uga socda Qatar.

Suheil Shaheen oo ah afhayeen u hadlay Talibaan ayaa shaley beeniyay in kooxda ay u weecatay inay qaado tallaabo militeri kadib markii dhawaan ay qabsadeen dhul badan balse dagaallada Afghanistaan laga bartay oo kali ah in xalka siyaasadeed uu yahay in nabadda la ambaqaado.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysaa xilli dagaallo culus ay ka socdaan qeybo kamid ah Afghanistaan, dowladda Afghanistaan waxay sheegtay in Taalibaan ay ka qabsatay degaan ku yaalla gobolka Parwan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post