879 Views

Reer galbeedka oo sheegaya in ay jirto khatar weerarro argagixiso ay ka dhacaan garoonka Kabul

Reer galbeedka oo  sheegaya in ay jirto khatar weerarro argagixiso ay ka dhacaan garoonka Kabul
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 26, 2021

Tiro ka mid ah dalalka reer galbeedka ayaa sheegaya in ay jirto khatar aad u sarreyso oo ah in weerarro argagixiso ay ka dhacaan garoonka diyaaradaha ee Kabul, waxayna muwaadiniintooda uga digeen in ay halkaas u safraan.

Australia, Mareykanka iyo UK ayaa soo saaray digniin ku socota muwaadiniintooda, waxayna kuwa aan weli soo gaarin gegida dayuuradaha ee ku sugan gudaha Afghanistan, lagula talinayaa in ay si degdeg ah uga baxaan aaggaasi.

In ka badan 82,000 ayaa diyaarad loogaga soo qaaday Kabul, oo gacanta u gashay ururka Taaliban, 10 maalmood ka hor.

Wadamada waxay ku degdegayaan in ay dadka ka daadgureeyaan ka hor 31 bishan August, oo ah xilliga kama dambeysta ah ee ay ku egtahay daad-gureynta.

Inkastoo ay weli Kumanaan qof ku sugan yihiin gudaha iyo dibadda garoonka diyaaradaha, iyagoona rajeynaya in ay mar uun ka duulaan dalka Afghanistan.

Taalibaan ayaa ganafka ku dhufatay in la kordhiyo muddadaasi balse waxay sidoo kale ballanqaadeen in ay u oggolaan doonaan ajaanibta iyo dadka reer Afghanistan, inay dalka ka baxaan wixii ka dambeeya wakhtiga kama dambeysta ah, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken.

Khamiistii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Australia, Marise Payne, ayaa tiri: “Waxaa jirto halis joogto ah oo aad u sarreysa oo ah in weerar argagixiso uu ka dhaca garoonka diyaaradaha ee Kaabuul.”

Hadalka wasiirka ayaa imaaneyo saacado ka dib markii Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ay u sheegtay in dadka ku sugan irridaha laga soo galo garoonka, sida albaabka Albey, ay “si dhaqso ah uga baxaan”.

Dhanka kale, Britain ayaa soo saartay talo taas la mid ah oo ay dadka ugu sheegayso inay ka baxaan aaggasi oo ay tagaan meel ammaan ah, inta ay helayaan talooyin kale oo dheeri ah oo la xiriira badqabkooda.

Xafiiska arrimaha dibedda ayaa sheegay in xaaladda nabadgelyada Afghanistan ​​”ay weli tahay mid aan degganayn” isagoo intaas ku daray inay jirto “halis joogto ah oo weerar argagixiso ah”.

Dhammaan wadammadaasi midkoodna ma bixin macluumaad dheeri ah oo ku saabsan halista amniga.

Khudbad uu jeediyay Talaadadii, ayuu madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ku sheegay in duulimaadyada uu maamulo Mareykanka ay tahay in la soo afjaro sida ugu dhaqsiyaha badan, wuxuuna ku sababeeyay inay sii kordheyso khatarta kooxda Daacish ee Afghanistan.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay duullimaadyada Mareykanka daadgureeyeen qiyaastii 19,000 oo qof, iyadoo la kordhiyay diyaaradaha lagu daadgureynayo dadka.

Wuxuu sheegay in Mareykanka uu wali ku jiro waddadii uu ku ku soo gabagabeyn lahaa ka bixitaanka gegida diyaaradaha ee Kabul, dhamaadka bishaan.

“Kaliya Mareykanka ayaa abaabuli kara oo fulin kara howl baaxaddan leh oo sidaan u adag,” ayuu u sheegay wariyeyaasha Washington.

“Illaa 1,500 oo muwaadiniin Mareykan ah ayaa weli joogi kara dalkaas, maamulkuna wuxuu waday dadaalo dhammaystiran oo lagu baadi goobayo,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibedda.

CIA -da iyo militariga Mareykanka ayaa waday hawlgallo qarsoodi ah oo ay ku soo saarayaan dadka Mareykanka iyagoo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo ciidamada dhulka, sida saraakiil Mareykan ah iyo saraakiil kale ay u sheegeen wargeyska Wall Street Journal.

Hawlgallada halista ah ayaa ka dhacay gudaha iyo dibedda Kabul, ayuu qoray wargayska.

Pentagon -ka ayaa sheegay in 10,000 oo qof ay weli sugayaan in diyaaradaha Mareykanka lagaga daadgureeyo garoonka diyaaradaha Kabul. Waxaa jiro cabsi ah in kumannaan kale oo reer Afghanistan ​​ah oo aad u doonaya inay ka baxaan dalka balse aan gaari karin goobta.

Weriyayaasha BBC -da ayaa sheegaya in qaar badan oo ka mid ah kuwa ay Taliban dib uga celisay albaabka garoonka ay u muuqdeen in ay haystaan ​​waraaqaha safarka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa bartiisa Twitter -ka ku soo qoray in Mareykanka uu “sameyn doono wax walba” si “loo sameeyo daadgureyn ammaan ah”.

Boqortooyada UK waxay sheegtay in hawlgalkeeda daadguraynta uu ku socdo “xawaare aad u sarreeya”, iyada oo illaa Arbacadii ay daadgureeyeen 1,200 oo qof.

Xoghayaha arrimaha dibadda, Dominic Raab, wuxuu sheegay in dowladdiisa ay adeegsan doonto “saacad kasta iyo maalin kasta oo ka hartay muddada.”

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post