1080 Views

Ka-Bixitaanka Ciidanka Kenya Ee Ku Sugan Somalia Oo Aan Weli Xilli Loo Qaban

Ka-Bixitaanka Ciidanka Kenya Ee Ku Sugan Somalia Oo Aan Weli Xilli Loo Qaban
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 27, 2019–Taliye  Sare oo ka tirsan Ciiddanka Kenya ayaa sheegay inuusan Khilaafka Diplomaasi ee Somalia iyo Kenya wax saamayn ah ku yeelanin Hawlgalka ay Ciiddankiisa ka wadaan gudaha Somalia.

Gaashaanle-Sare Meshak Kishoyiyan oo ah Taliyaha Guutadda 2-aad ee Ciiddanka dhulka Kenya ka jooga magaalladda Kismaayo ayaa sheegay inuu weli wanaagsan yahay Xiriirka u dhexeeya labada dal, isla markaana ay Ciiddankiisa wada-shaqeyn wanaagsan la leeyihiin Ciiddanka Soomaalida iyo kuwa Hawlgalka AMSIOM.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay inuusan wax war ah ka  haynin qorshaha saxda ee Bixitaanka Ciiddanka Kenya, wuxuuna xusay inay sii wadi doonaan Dhismaha Awoodda Ammaanka ee Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray in Ka-ciiddan ahaan uusan quseynin Arrimaha Siyaasadda, oo ay arrintaasi u taallo Siyaasiyiinta.

Dhinaca kale, Taliyaha Guutadda 2-aad ee Ciiddanka dhulka ee Milliteriga Kenya ka jooga magaalladda Kismaayo waxa uu tilmaamay in Hawlgalladda Milliteri la mid yihiin sida dareeraha oo kale, isla markaana lama awoodo in waqti rasmi ah loo qabto Ka-bixitaanka Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha Somalia.

 

Waxa uu intaasi ku daray qorshaha Hawlgalladda AMISOM ee sannadaha 2018-ka ilaa 2021 qeexaya in Ciiddanka Ammaanka Somalia lagu wareejiyo sugidda Ammaanka, si ay Ciiddanka AMISOM u soo gebagebeeyaan Hawlgalkii ay u joogeen Somalia.

 

Hadalka Sarkaalkaasi waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay warar hoose sheegeen inay Dowladda Kenya doonayso inay Ciiddankeeda sida ugu dhaqsaha badan ugala baxaan Somalia, ka hor inta aan la gaarin Xilliga uu qorshuhu ahaa inay guud ahaan Ciiddanka  AMISOM laga soo saaro Somalia.

 

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Kenya waxay gudaha Somalia soo galeen bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii, waxayna  Hawlgalka AMISOM ku soo biireen bishii Feberaayo 22-dii ee sannadkii 2012-kii, kadib, markii ay Golaha Ammaanka ee QM ansixiyeen Qaraarkii Tirsigiisu ahaa 2036 ee lagu fasaxay inay Ciiddanka Kenya qeyb ka noqdaan Hawlgalka AMISOM.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment