1275 Views

Hanti Dhowrka Oo Lagu Eedeeyay In Dhalinyaro Ehelkiisa Ah Ka Shaqaaleeysiiyay Xafiiska

Hanti Dhowrka Oo Lagu Eedeeyay In Dhalinyaro Ehelkiisa Ah Ka Shaqaaleeysiiyay Xafiiska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jannaayo 14, 2019 —Kuxigeenka Guud 1aad ee Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka Cali Abuukar oo Wareysi siiyay Warbaahinta Dalsan ayaa waxa uu ku eedeeyay Hanti Dhowraha Qaranka Maxamed Maxamed Afgooye in Xafiiskiisa uu ka Shaqaaleysiiyay dhalinyarado ka mid ah Ehelkiisa.

Waxa uu sheegay in uu hawlgab ka dhigay inta badan Shaqaalaha Xafiiska hanti dhawrka,taas oo uu sheegay inay sababtay inay gadoodaan,isla markaana Shaqaalaha uu keenay aysan soo marin xeerka shaqaaleysiinta dowladda sida Guddiga shaqaalaha rayidka.

“Runtii Shaqaalo farabadan oo ehelkiisa ah ayuu keenay,baaris ayay sameeyaan,Shaqaalihii kale waa ay xanaaqeen,hanta dhowraha ayaa Xarunta dambi barista ee CID-da uga yeeray ,arrintaasina waan ku kala qeyb sanahay,waxaan warqad dacwad ah u gudbiyay Xafiisyada ,Madaxweynaha,Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacbaka ayuu yiri Kuxigeenka Guud 1aad ee Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Hadalkaan kasoo baxay Kuxigeenka Guud 1aad ee Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka Cali Abuukar ayaa u muuqda khilaaf cusub oo soo kala dhex galay hoggaanka Hanti dhowrka Qaranka,iyada oo Maanta Baarlamaanka lahor-geynayo Xeerka wax ka badelka Sharciga Hanti dhawraha.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment