867 Views

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay geerida Taliyihii Hore ee Ciidanka Daraawiishta

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay geerida Taliyihii Hore ee Ciidanka Daraawiishta
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 24. 2020–Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) oo ku geeriyoodey magaaladda Qabribayax ee Dowladda Deegaanka Soomaalida .

Sareeye Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) wuxuu kasoo mid noqday Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, burburkii kadib waxaa uu ka qeybgalay Aasaaskii Ciidamada Puntland isagoo markii danbe noqday Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa tacsida la wadaagay ummadda Soomaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoysaskii uu ka baxay marxuumku. Madaxweyne Deni ayaa Alle “SWC” uga baryey Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhamman Ciidamada qalabka sida, eheladii, asxaabtii iyo qaraabadii uu ka baxay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post