1005 Views

Deni oo Garowe ku qaabilay Safiirka cusub ee Itoobiya ee Soomaaliya Daawo Muqaalka

Deni  oo Garowe ku qaabilay Safiirka cusub ee Itoobiya ee  Soomaaliya Daawo Muqaalka
____________________________________________________________________________

June 20 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacowday Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, sida dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Horumarka.

Madaxweyne Deni iyo Safiir Cabdifataax ayaa markii kulanku u soo dhammaaday shir jaraa’id oo ay qabteen ku faahfaahiyay waxyaabihii ay ka wadahadleen.

Waa markii ugu horreysay oo meel Muqdisho ka baxsan uu booqdo Safiirka cusub ee Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post