1098 Views

Turkiga oo Dhabarka Ka Jabiyay Howlgalkii Ruushku ka waday Ukrain

Turkiga oo Dhabarka Ka Jabiyay Howlgalkii Ruushku ka waday Ukrain
____________________________________________________________________________


Axad: February 27, 2022

Dowlada Turkiga ayaa si rasmi ah u xirtay Biyaha Badda Madow kadib markii Maraakiibta dagaal ee Ruushka damceen inay dhankaas ka soo weeraraan Ukrain.

Hogaaamiyaha Turkiga Reccep Dayyip Erdogan ayaa la sheegay inuu amar ka bixiyey xiritaanka marinada laga galo Badda Madow, iyadoo talaabadan ay fududeyn karto qeyb ka mid ah culeyska milateri ee saaran dalka Ukrine

Madaxweynaha Ukraine ayaa goor dhow u mahadceliyay Madaxweyne Erdogan kadib xiritaankii Biyaha Badda Madow.

Xiisadda ka dhex aloosan Ukraine iyo Turkiga ayaa saameyn toos ah ku yeelatay Turkiga oo xiriir wanaagsan la leh labada waddan.

Turkiga oo xiriir ganacsi iyo difaac ba la leh Ruushka ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, oo wadahadal lagu dhameeyo tabashada labada dhinac.

Dalalka Galbeedka ayaa intooda badan shaaciyay cunaqateyn ka dhan ah Moscow, kadib markii uu Ruushka aqoonsaday madax bannaanida laba gobol oo ka tirsan Ukraine.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa si la mid ah dalalka reer Galbeedka cambaareysay weerarka Ruushka “Waa xadgudub cad oo lagu sameeyay madax bannaanida iyo midnimada Ukraine. Waxaan u aragnaa go’aanka Ruushka mid aan la aqbali karin, waana qaadacnay,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post