1053 Views

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowha Afrika oo AMISOM amray in ay ka hor tagaan dagaal ka dhaca magaalada Muqdisho

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowha Afrika  oo AMISOM amray in ay ka hor tagaan dagaal ka dhaca magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

April 23-2021

War murtiyeedka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowha Afrika ayaa looga codsaday AMISOM inay la socoto dhaq dhaqaaqa Ciidamda Amniga Soomaaliya si looga hortaggo iska hor imaadyo ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa laga codsaday inuu qabto shirarka dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya heer Safiiro iyo heer taliyeyaasha ciidamada si looga tashado tilaabooyinka laga qaadi doono dhinacyada Soomaalida haddii ay isku dayaan gacan qaad.

“Waxaa ka codsaneynaa  AMISOM, inta laga cusboonaysiinaayo waajibaadkeeda, si ay ula socoto soo daad gureynta Ciidamada Amniga ee Soomaaliya (SSF), sidoo kale  waxaan  ka codsaneynaa Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, inuu si deg deg ah u qabto shirarka Ciidamada iyo Wadamada Ciidamada ku biiriya Booliska (T / PCCs ), heer safiirnimo, iyo sidoo kale Guddiga Isku-dubbaridka Hawlaha Milatariga (MOCC) ee heerka Taliyeyaasha Difaaca, si loo tixgeliyo saameynta amniga ee is-maandhaafka siyaasadeed ee hadda jira, iyo sidoo kale khariidaynta xulashooyinka wax looga qabanayo iyo yareynta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay si toos ugu fashilantay qorshihii dalalka caalamka ay uga raadinaysay muddo kororsiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post