1152 Views

Puntland Oo Gacanta Ku Dhigtay Khamri Badan Iyo Dadkii Watay

Puntland Oo Gacanta Ku Dhigtay Khamri Badan Iyo Dadkii Watay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 18, 2019–Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay Khamri farabadan iyo dadkii watay oo doonayay inay geliyaan deegaanada maamulka Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed ayaa sheegay in Khamriga lagu soo bandhigay degmada Galdogob ee Gobolka Mudug, kuwaasi oo gaarayay ilaa iyo 490 dhalo oo Khamri ah.

Sidoo kal Taliye Jaamac Maxamed ayaa waxaa uu tilmaamay in Khamrigan lagu soo raray laba gaari oo nooca raaxada ah, lagana keenay degmada Gallaaddi ee dowlad degaanka Soomaalida, hayeeshee Ciidamada ay ku qabteen kastamka Tuurdibi ee Puntland

Ugu dambeyntii G/sare Jaamac Maxamed Axmed ayaa waxaa uu sheegay in saddex ruux oo la socday gaadiidka siday Khamrada la qabtay, isla markaana dhawaan la horgeyn doono Maxkamad.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment