870 Views

Maxaa ka jira warka ah in ciidamadii Ukraine ee Mariupol ay is dhiibeen?

Maxaa ka jira warka ah in ciidamadii Ukraine ee Mariupol ay is dhiibeen?
____________________________________________________________________________

Axad: April 17, 2022

Ilaa hadda ma jirto caddayn muujinaysa in difaacayaashiii ugu dambeeyay ee Ukraine ee ku sugnaa dekedda la go’doomiyay ee Mariupol ay dhegaysteen amarkii Ruushka ee ahaa inay hubka dhigaan.

Moscow ayaa sheegtay in askarta Yukreeniyaanka ah ee kaliya ku hadhay halkaas ay ku jiraan wershad weyn oo birahaoo soo saarta.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ukraine, Iryna Vereshchuk, ayaa ka dalbatay ciidamada Ruushka inay maanta furaan marino bini’aadantinimo oo ka soo bilaabmaya Mariupol si ay ugu oggolaadaan muwaadiniinta iyo dhaawaca ciidamada Ukraine in la soo saaro.

Maamulka caafimaadka ee dalka Ukraine ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen duqeymaha Ruushka uu ka geystay magaalada Kharkiv.

13 qof ayaa la sheegay inay dhaawacmeen. Gantaal hore oo lagu weeraray magaalada Brovary – oo u dhow caasimadda Kyiv – ayaa sababay burbur soo gaadhay dhismayaal, inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay duqeeyeen warshad rasaasta lagu farsameeyo. Maayarka magaaladaas oo hadlayey ayaa isna dhankiisa u sheegay dadka shacabka ah inaysan aragagiixin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post