696 Views

Wararkii ugu dambeeyay shirka wadatashiga doorashooyinka oo la soo geba-gabeynayo

Wararkii ugu dambeeyay shirka wadatashiga doorashooyinka oo la soo geba-gabeynayo
____________________________________________________________________________

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda shirka Golaha wadaashiga doorashooyinka, kaas oo  uggu dambeyn maanta lagu wado in lasoo gaba gabeeyo, waxaana uu u dhaxeeya Ra’isul Wasaraaha Xukuumadda Federaalka, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka oo maanta galay maalintisii labaad, ayaa lagu wadaa in madaxdu isla meel dhigto qorshaha amniga doorashada, soo gudbinta xubnaha guddiga dibu heshiisiinta gobolka Gedo iyo jadwalka doorashada, oo markii hore uu ahaa in muddo lixdan maalmood oo ka bilaabmaysay 27 May lagu qabto doorashada, balse dhawr iyo sodon maalmood ay tagtay.

Shirka waxa kaloo maanta warbixin looga dhagaystay kooxda la taliyeyaasha farsamada arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post