279 Views

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay Ciidamada Nabad-sugida ay 15 Al-Shabaab ah ku dileen howl-gal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda  Soomaaliya oo  shaacisay Ciidamada Nabad-sugida  ay 15 Al-Shabaab ah ku dileen howl-gal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.
____________________________________________________________________________

 Isniin: Jannaayo 2023

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay 15 Al-Shabaab ah ku dileen howl-gal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shabaabka lagu dilay howl-galkaan ayaa waxa ku jira laba horjooge, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“15-xubnood oo Khawaarij ah oo ay ku jiraan Labo horjooge ayaa lagu dilay howlgal wadajir ah oo ciidamada xoogga dalka, ciidanka Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Xawaadlay.”

Xubnaha la dilay waxaa ku jira horjooge magaciisa lagu soo koobay Farxaan, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Xawaadlay iyo Horjooge Ismaciil Ibraahim Xaaji Xuseen “Garweyne” horjoogihii deegaanka Jameeco.

Howl-galkaan ayaa daba socday howl-gal shalay ka dhacay isla deegaankaan oo lagu dilay 61 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sidoo kalana lagu burburiyay gaadiid Qaraxyo lagu soo xiray.

Waxay tani ay ka dhigaysaa khasaaraha kooxda Al-Shabaab gaaray labo maalmood gudahood 76.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii dambe howl-galo qorsheysan ku beegsaneysay dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku dishay Shabaab badan, xili uu gobolada dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab ayaa waxa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Office Nairobi kenaya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post