876 Views

Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug oo Rag hubeysan ku dilay duleedka Caabudwaaq ee Galgaduud

Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug oo Rag hubeysan ku dilay duleedka  Caabudwaaq ee Galgaduud
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 8, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Israsaaseyn daqiiqado kooban socotay oo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Galmudug iyo Rag maleeshiyaadka ku dhexmartay duleedka Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in rasaasta ay ka bilowday, kadib markii laba Nin oo maleeshiyaad ah ay rasaas ku fureen Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug oo howlgal ka waday duleedka Caabudwaaq, kadibna ragga ay baxsadeen.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay ka daba tageen raggii rasaasta kusoo furay ee baxsaday, iyagoona markii dambe toogtay raggii hubeysnaa oo laba ruux ahaa, halka Ciidanka ay ka dhaawacmeen saddex Askari.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Booliska Magalaada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin ragga hubeysan ee maleeshiyaadka ah ay dhibaato xiliyada qaarkood u geystaan shacabka Magaaladaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post