657 Views

Nin iska dhigay qof dumar ah si uu saaxibtii ugu sameeyo imtixaam

Nin iska dhigay qof dumar ah si uu saaxibtii ugu sameeyo imtixaam
____________________________________________________________________________

Talaado: August 3, 2021

Ardey wax ka dhigta mid kamid ah jaamacadaha Senegal ayaa la qabtay kadib markii uu iska dhigay qof dumar ah si imtixaamka luqadda Ingiriiska ugu sameeyo gabadh saaxibtii ah.

Waxaa baraha bulshada Senegal lagu baahiyay Khadim Mboup oo ku labisan xijaab guduudan.

Ardeygan 22 jirka ah wuxuu sheegay in sababta uu ugu dhaqaaqay tallaabadaas ay aheyd in saaxibtii ay ku adkeyd luqadda Ingiriiska, sida ay tebisay warbaahinta gudaha.

Isniintii ayuu maxkamad kasoo muuqday isaga iyo saaxibtii, waxaana loo heystaa wax isdabamarin dhanka imtixaanaadka ah.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post