933 Views

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Ansixiyey Xeer muhiim ah

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Ansixiyey Xeer muhiim ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 19, 2020 –Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulan weyniha Golaha Shacabka,waxana Shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman.

 

AJendayaal dhowr ah ayaa Maanta looga hadlayaa kulanka,kuwaas oo ay ka mid yihiin Warbixinta Hindise-sharciyeed-yada kasoo noqday Aqalka Sare, sida Sharciga Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal,S harciga Duulista Rayidka, Sharciga Jaan-gooynta Iyo Tayo-dhowrka Soomaliyeed,Sharciga Tirokoobka Qaranka

,Hindise Sharciyeedka Heerka Warbaahinta,Hindise Sharciyeedka Howlgabnimada Iyo Xaqsiinta Ciidamada,Qeybinta Hindisaha Dib-u-eegista Iyo Kaabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda Dalka.

 

 

 

Kulanka ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa ay ku ansixiyeen  Xeerka Duulista Rayidka 142 Mudane ayaa ogolaatay  2 Xildhibaan ayaa diiday ma kirin qof ka aamusay dib u eegistii uu Aqalka Sare soo meelmariyey.

 

Maamulka Hawada Sare ee Soomaaliya waxaa lagu hagi doonaa xeerkan marka Madaxweynaha Jamhuuriyadu saxiixo oo lagu soo saaro faafinta rasmiga ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment