570 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Casuumaad ka helay Dalka Qatar Villa Somaliya oo aad uga carootay.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Casuumaad ka helay Dalka  Qatar  Villa Somaliya oo aad uga carootay.
____________________________________________________________________________

.

isniin: October 4, 2021

Wararka ka imaanaya Xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegaya in lagu wado maalmaha soo socda uu safar ku aado Dalka Qadar.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in in Rooble uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda dalka Qatar, isla-markaana uu saacadaha soo socda u safrayo magaalada Dooxa ee dalkaasi.

Villa Soomaaliya ayaa aad uga Carootay Safarka Rooble, waxaana la sheegay in ay isku dayayso in ay baajiso safarka Rooble uu ku aadayo dalka Qadar.

Sidoo kale Qatar ayaa xiriir dhow la leh madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo iyo la-taliyaha amniga qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyada oo su’aallo badan la’iska weydiinayo safarka Rooble ku aadayo wadankaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post