939 Views

Midowga Musharixiinta oo yeeshay kulan ay uga hadlayeen xaalada dalka

Midowga Musharixiinta oo yeeshay kulan ay uga hadlayeen xaalada dalka
____________________________________________________________________________

Kulanka oo ku qabsoomay aalada Internet-ka ee (ZOOMKA) ayaa waxaa yeeshay Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, iyada oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka ayaa sida Midowga Musharixiinta ay sheegeen waxaa uu ahaa kulan is xogwareysi ah oo looga hadlay arrimaha la xiriira Doorashooyinka iyo dadaaladda shirka loo madlan yahay 20ka bisha iyo kaalinta Midowga Mirashaxiinta.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyey ee Dalka oo la filayo in dhawaan ay ka bilaawdaan doorashooyin markii lagu heshiiyo shirka loo balansan yahay Khamiista todobaadkaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post