690 Views

Al-shabab oo sheegtay ninkii isku Qarxiyay Camaar in uu ahaa Kenyan

Al-shabab oo sheegtay ninkii isku Qarxiyay Camaar in uu ahaa Kenyan
____________________________________________________________________________

 
Arbaco: September 8, 2021

Usbuuco kadib Al-shabaab ayaa shaacisay magaca Deegaanka iyo dhalashadiisa ninkii fuliyey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay deegaanka Camaara ee koonfur gobolka Mudug, kaas.

Magaca ninka fuliyey qarixii ismiidaaminta ahaa ee uu ku billowday warkaasi ayey kooxda Al-Shabaab ku sheegtay Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali oo magaciisa afgarashaduna uu ahaa (Haashim), kaas oo oo ay shaacisay inuu sidoo kale ka soo jeedo wadanka dariska Kenya.

Sidoo kale Idaacadda Andaluus oo baahisay wareysi laga qaaday ninkaasi, ka hor inta uusan weerarka geysan ayaa sheegay inuu ka dhashay magaallo xeebeedka Mombasa, kuna barbaaray, isaga oo markii dambe kusoo biiray Al-Shabaab, kadib markii uu kasoo safray Kenya.

Al-shabaab ayaa shaacisay sidoo kale mudooyinikii la soo dhaafay shaqsiyaadkii isku Qarxiyay Deegaanada  Wisil iyo Bacaad wayn .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post