885 Views

Rai’sul wasaarahii hore ee Israa’iil Netanyahu oo gubay dikumiintiyo sir ahaa oo xafiiskiisa yaalay.

Rai’sul wasaarahii hore ee Israa’iil Netanyahu  oo  gubay dikumiintiyo sir ahaa oo xafiiskiisa yaalay.
____________________________________________________________________________

June 19 2021

Rai’sul wasaarahii hore ee Israa’iil ayaa la sheegay in uu gubay dikumiintiyo sir ahaa oo xafiiskiisa yaalay.

Matxafka ra’iisul wasaaraha Israa’iil waxaa burburiyey nin uu ku amray in falkaasi uu fuliyo, iyadoo la sheegay in Mr Netanyahu uu qof ku amray inuu gubo dhammaan dukumiintiyada xafiiskiisa ka hor inta uusan xafiiska baneyn.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa in dukumintiyada dab la qabadsiiyay maalinkii ugudambeyay ee uu xafiiska ka tagayay Mr Netanyahu, saacado uun ka hor markii uu xukunka la wareegay ra’iisal wasaaraha cusub ee Israel, Naphtali Bennett.

Sharciga Israa’iil wuxuu mamnuucayaa gubista ama burburin dukumiintiyada taas badalkeedana wuxuu qeexayaa in dukumiintiyada noocaas ah lagu keydiyo meel aamni ah oo ka tirsan xafiiska rai’sul wasaraaha.Sida uu dhigayo sharciga maaraynta dukumiintiyada, ra’iisul wasaaraha iyo kaaliyeyaashiisa aadka ugu dhow ayaa loo oggol yahay inay arkaan dikumiinyadan sirta ah.

Rai’sul wasaaraha cusub ee Israa’iil ayaa xafiiska la wareegay Isniintii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post