315 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay Guddiga Farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay Guddiga Farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

 Isniin: January 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay Guddiga Farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed,kaas oo la hillaadinayo in gogoshiisa la dhigo shanta bishan aynu ku guda jiro.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhowaan safar uu ugu gogol xaadhayey shirka madasha dib u heshiisiinta koonfur galbeed waxa uu ku tegay qaar ka mid ah gobolada iyo degmooyinka Dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa soo dhoweeyey shirka madasha dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed isagoo ugu baaqay dhamaan dhinacyada in ay deganaan iyo tanaasul muujiyaan,sidoo kale na loo diyaar garoobo sidii gobolada iyo Degmooyinka Koonfur galbeed looga sifayn lahaa harraadiga kooxaha khawaariijta sii dabar go’aya

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post