1008 Views

C/rashiid Xidig oo sheegay in Madaxtooyada Jubbaland laga soo abaabulay shirqool lala damacsanaa

C/rashiid Xidig oo sheegay in Madaxtooyada Jubbaland laga soo abaabulay shirqool lala damacsanaa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28, 2019–C/rashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka warbixiyay qarax maalin laga helay meel ku dhow hoyga uu ka degan yahay magaalada Kismaayo, kaasoo uu sheegay in la damacsanaa in lagu dilo.

Mr Xidig ayaa sheegay in Hey’addaha Amniga Jubbaland ay baraha bulshada ka ogaadeen qaraxaas, isagana uu ka hor ogaa, xog ku filan uu heystay, diyaar garowna ay ka galeen sida uu yiri.

 

Waxaa uu sheegay in shaqsiyaad kooban ay howshaan leeyihiin abaabulkeeda iyo fulinteeda, waxaana uu ku baaqay in baaritaan degdeg ah oo madax banaan lagu sameeyo.

 

“Waa dambi, waa shirqool isku day ah oo laga soo abaabulay xarunta ugu sareysay ee Madaxtooyada Jubbaland, waxaana caddenaya Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada ayaa bahashaas, iyadoo la kala furin, anteenadii aan la damin ayuu ku qaatay gaari uu watay, isaga ay la socotay labo askari, waxaa shacabka Soomaaliyeed weydiinayaa Bambo meel taal oo aanan ogeyn inta timaado oo aad qaadato ma dhici kartaa ?, jawaabtaas shacabka u deynayaa”ayuu yiri C/rashiid Xidig.

 

C/rashiid Xidig ayaa sheegay in arrintan aysan noqon doonin wax la isaga haro, ayna soo bandhigi doonaan caddeymo iyo xogo buuxdo, sida uu hadalka u dhigay.

 

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Taliska Booliska Kismaayo ay sheegeen inay fashiliyeen walxaha qarxa oo lagu aasay xaafada farjano, iyagoo beeniyay sheegashada Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ah in qaraxaas lagu aasay hoygiisa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment