1317 Views

Shirka golaha wasiirada oo looga hadlay qaraxii lala beegsaday kooxda kubadda cagta JCCI

Shirka golaha wasiirada oo looga hadlay  qaraxii lala beegsaday kooxda kubadda cagta JCCI
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 5, 202

Shirka golaha wasiirada Jubbaland oo uu maanta shir guddoomiyey madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi, Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday qaraxii lala beegsaday kooxda kubadda cagta JCCI ee dhowaan ka dhacay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay wasaaradda amniga, taas oo ku aadan qaraxii Kismaayo iyo amniga guud ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasaaradda amniga ayaa shaaca ka qaaday in tiro dad ah loo soo qab-qabtay qaraxaas, kuwaas oo ay tilmaamtay inay weli ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Sidoo kale wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland ayaa golaha la wadaagtay sidii loogu gurmaday ciyaartooydii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaasi oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah ciyaartoyda.

about:blank Golaha ayaa sidoo kale soo jeediyey in la xoojiyo amniga, si looga hortego weerarada iyo dilalka qorsheysan, maadaama haatan lagu jiro soo doorashada xildhibaanada labada Aqal

Ugu dambeyn wasaarada maaliyadda ayaa gudbisay xeerka i-sbadalka sharciga qoondada, kaas oo golahu ay falanqeyn kadib dib ugu soo celin doonaan fadhiyada  kale ee soo socda.

Jubbaland ayaa haatan billowday doorashada Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, iyada oo Senataro cusub lagu doortay magaallo xeebeedka Kismaayo

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post