2055 Views

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukuntay Rag Lagu Eedeeyay Shabaabnimo

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukuntay Rag Lagu Eedeeyay Shabaabnimo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 15, 2018 –  Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta soo geba gabeysay dacwada 5 rag ah oo lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab,kuwaas oo dhageysiga dacwadooda ay mudo soo socotay.

Maxkamada Ciidamada ayaa waxaa Maanta ragaas ay ku rida Xukun xabsi ah,waxaan ay Magacyadooda

Abuukar Cabdi Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ayaa lagu eedeeyay in ay ka wada tirsan yihiin Al-Shabaab, sidoo kale ay ka wada tirsan-yihiin Koox gaar ah oo ay ula baxeen (jugta Culus) taas oo loogu tala galay in ay ku weeraraan fariisimaha Ciidama amniga ay ku leeyihiin hareeraha Muqdisho.

Abuukar Cabdi Abiikar (Fanax) oo eedeysanahaa koowaad ayaa ku biiray Al-Shabaab 2008, Eedeysanaha ayaa tababar ku soo qaatay degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud, balse reerkiisa oo aan ku qanacsaneyn fikirka gurracan ee kooxdaas ayaa ula cararay Nairobi oo uu la deganaa walaashiis hasa ahaate waxa uu go’aansaday in uu ku soo laabto Soomaaliya isaga oo aan ka bixin fikirkii kooxda Alshabaab.

Baar Ismaaciil degmada Afgoye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayay Ciidamada Amniga ka soo qabteen, waxaana xilligaas loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada oo shan-sano oo xabsi ciidan ah ku riday balse 2016 oo uu dhammaday xukunka ayuu markale sii waday qorshihiisa Al Shabaabnimo, waxaana ciidamada Amniga ka soo qabteen xaafada Carafaad degmada Yaaqshid markale isaga iyo koox kale oo xilligan ay kuwada jiraan gacanta dowladda iyagoo xukunsan.

Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon (Cagta) waxa uu sheegay Alshabaab in uu kaga biiray Ceelasha biyaha 2008, ka hor waxa uu ka tirsanaa xizbulislaam, waxaa laga qabtay 2013 agagaarka soona (k) xilligaas ayay ciidamada baarista u soo gudbiyeen Xafiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, shan sano xabsi ciidan ah ayay ku xukuntay Maxkamadda Ciidadamada Qalabka Side, 2017 bishii labaad ayuu dhameystay Xukunkiisa balse Markale ayuu go’aansaday in uu kasii mid ahaado Alshabaab, waxaana lala qabtay Eedeysanayaasha kale ee iyana la xukumay.

Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed 2009 ayuu ku biiray Alshabaab, waxa uu soo dhameystay laba sano oo xabsi ciidan ah, intaas kedib waxa uu u baxay Sacuud Carabiya uu ku soo bartay Xirfadda Korontada balse mar dambe uu soo laabtay ayuu halkiisa kasii waday shaqada kooxda Alshabaab oo ay isku shabakad noqdeen eedeysanayaasha laga soo wada qabtay Xaafadda Carafaad degmada Yaaqshiid ee Gobalka Benaadir.

Hay’adaha Baarista ayaa sidoo kale ku ogaaday In Saleebaan Muxsin uu tababar marin habaabin ah ku soo qaatay deegaanka Goofgaduud ee gobalka Baay.

Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali oo iyana kawada tirsan Alshabaab ayaa uga duwan eedeysanayaasha kale in ay yihiin markii ugu horreysay oo ay wajahayaan cadaaladda, waxa ay ku sheegeen xiriirka ka dhexeeya mid xaafadeed oo ay wada ciyaari jireen kubadda cagte balse eedeysane kale oo iyaga lala qabtay ayay ku sheegeen in ay ku barteen farsameynta Korontada, waxaasa Hey’adaha baarista oo isticmaalaya habka barista casriga ay heleen cadeymo muujinaya in xiriir ka dhexeeyo weliba ku qotomo mid aad u dhagar badan oo farsamooyin ku hoos qariyeen, farsamooyinkaas waxaa kamid ah magacyada Nambarada ku qoran oo ay kawada xiriir jireen sida Jabra, Simba, Caluuq iyo Cagta.

maxkamada-sare-1 maxkamada-sare-2

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment