981 Views

Meydka mid kamid ah dadkii doonta la rogmatay oo la helay

Meydka mid kamid ah dadkii doonta la rogmatay oo la helay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 30, 2019 —WaWeli waxaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka socda Gurmadka lagu baadi goobayo qaar kamid ah dadkii ay doonta la qalibantay ee Magaalada Baladweyne oo Nolol ama geeri lagu la’yahay.

 

Saakay ayaa waxaa Wararka aan heleyno ay sheegayaan in agagaarka Shabeelow laga helay meydka mid kamid ah dadkii ay doonta la qalibantay,kaas oo la aqoonsan la’yahay.

 

Shalay oo Talaado aheyd ayaa waxaa la helay ilaa Shan ruux oo kamid ahaa dadkii la la’aa,waxaana weli guddi loo xilsaaray baadi-goobka dadkaas ay wadaan Shaqadooda.

 

Madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Baladweyne ayaa walwal waxaa uu ka muujiyey fatahaada Wabiga,iyada oo dad badi ay barakaceen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment