1437 Views

Gaza oo ay ku dhintay maanta 23 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza

Gaza oo ay  ku dhintay maanta 23 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza
____________________________________________________________________________

 May 16 2021

Duqeymaha cirka Israel ee magaalada Gaza ayaa Axadda maanta ah waxaa ku dhintay 23 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Duqeynta maanta ayaa ahayd tii ugu dhimashada badneyd tan iyo markii uu toddobaadkii hore dagaalkan ka dhex qarxay Israel iyo Xamas.

Subaxnimadii hore ee Axadda, Israel ayaa duqeysay guriga Yehya Al-Sinwar, oo ah Hoggaamiyaha ugu sarreeya Xamas ee Gaza, waxaana uu dagaalku galay maalintii toddobaad oo xiriir ah. Si rasmi ah looma oga in Sinwar uu guriga ku sugnaa iyo in kale. Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa warisay in ay “u badan tahay in isaga iyo madaxda kale ee kooxdu ay dhuumanayaan.”

Hady Amr, oo ah ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ee arrimaha Israel iyo Falastiin, ayaa ku sugan Israel waxaana lagu wadaa in Axadda maanta ah uu la kulmo hoggaamiyeyaasha Israel, ka dibna uu Daanta Galbeed kula kulmo saraakiisha Falastiiniyiinta si loo helo “xasillooni waarta,” ayay Waaxda Arrimaha Dibadda ku sheegtay qoraal ay soo saartay.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa maanta xaaladda dagaalka socda kala hadli doona Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Wasiiradda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub ayaa iyana Talaadada yeelan doonaan shir muuqaal ah oo ay kaga hadlayaan dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Israel iyo Falastiiniyiinta.

Tan iyo markii uu dagaalku billowday Isniintii hore, ugu yaraan 145 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, oo ay ku jiraan ugu yaraan 41 carruur ah iyo 22 haween ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza. Ugu yaraan 8 Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada gantaalaha oo uu mid yahay canug 6 jir ahaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post