510 Views

Wasaaradda xanaanada xoolaha Galmudug oo biyo dhaamin kasameesay deegaano Mudug hoostaga

Wasaaradda xanaanada xoolaha Galmudug oo biyo dhaamin  kasameesay deegaano Mudug hoostaga
____________________________________________________________________________


Axad: November 28, 2021

Wasaaradda xanaanada xoolaha Galmudug ayaa gurmad iskugu jira biyo dhaamin iyo daaaweenta xoolaha kabilowday deegaano hoostaga Gobalka Mudug.

Gurmadkaan ayaa socon doona mudo laba todobaad ah, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka  Wasaaradda xanaanada xoolaha  Galmudug Maxamed Deeq Cabdi Maxamed Wasiirka ayaa sheehay in maata Wasaaraddu ay si rasmi ah u bilowday gurmadka loo sameenayo dadka ay saameeyeen abaaraha ee deegaanada Mudug.

Wasiirka  Wasaaradda xanaanada xoolaha  Galmudug Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta Qaranka  ayaa sheegay in dedaaladaan ay qeebkayihiin baaqyadii madaxweenaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullahi  Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Dalka Maxamed Xuseen Rooble  iyo madaxweynaha  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, isla markaana Wasaaradaha oo kaashaneysa hay’adda FOA iyo ururka samafalka maxalig ha ee DEH ay qoosaska ufidiyaan  gurmadyo isugu jira qeybinta  Baagaga biyaha lagu shubto biyo dhaamin .

Qaar  ka mida dadkii la gaarsiiyay gurmadka ayaa ka  mahad celiyay iyagoona  xusay in ay kusoo aaday xillii baahi weyn ay u qabeen taas oo ah mid raadadkeedu  ka  muuqdeen   deegaanadaaasi maadama  la arkayo xoolo aad u farabadan oo ay sababtay in ay ubaqtiyaan  biyo la’aan iyo haraad

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post