648 Views

Ra’iisul wasaare Rooble oo amar siiyay laamaha Ammaanka

Ra’iisul wasaare Rooble oo amar siiyay laamaha Ammaanka
____________________________________________________________________________


Sabti: December 4, 2021

 Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya in si deg deg ah maxkamad loo horgeeyo askar ka tirsanaa ciidanka xoogga oo Muqdisho dilay  wiil iyo gabadh walaalo ah habeen hore.

Rooble oo xalay war soo saaray ayaa sheegay in aan la aqbali Karin askarta ciidanka dowladda Soomaaliya in ay dilaan dadka shacabka ee aan waxba galabsan, islamarkaana ciidanka booliska uu uga mahadcelinaayo soo qabashada eedeyanayaasha.

Waxaa uu sidoo kale u ballanqaaday ehelada  dhalinyaradii lagu dilay Muqdisho in ay heli doonaan Caddaalad sida ugu dhaqiyaha badan, waxaana uu u diray tacsi.

“Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa una tacsiyeynayaa qoysaskii ay geeriyoodeen Allaha naxariistee dhallinyaradii xalay iyo galabta lagu dilay Muqdisho ee Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda  Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud oo caawa la dilay ,Waa tallaabo wanaagsan in ciidammada ammaanku soo qabteen eedaysanayaashii. Waxaan  farayaa in si deg deg  ah sharciga loo hor geeyo si dhibbaneyaashii iyo eheladoodu caddaalad u helaan”ayuu kui yiri war uu soo saaray Rooble.

Ciidanka dowladda ayaa si barer ah u dilay Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud xalay iyo habeen hore xilli ay doonaayeen in ay wadooyinka oo mashquul ahaa ay furtaan.

Dhanka Booliska waxay sheegeen in ay gacanta ku hayaan Eedaysaneyaasha oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ayna hadda ku jira gacanta Dowladda, iyada oo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post