264 Views

UK: Truss iyo Sunak oo lagu wado in midkood noqon doono Raysal wasaaraha beddeli doona Boris Johnson

UK: Truss iyo Sunak oo lagu wado in  midkood noqon doono  Raysal wasaaraha beddeli doona Boris Johnson
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 20, 2022

Rishi Sunak xoghayihii hore ee maaliyadda Midowga Boqortooyada (UK) iyo xoghayihii arrimaha dibadda Liz Truss ayaa gaarey wareega u dambeeya ee tartanka hoggaanka UK. Wasiirka ganacsiga Penny Mordaunt ayaa gashey kaalinta saddexaad waana ka hartey tartanka.

In ka yar laba toddobaad ka hor, Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo hoggaanka xisbiga Conservative Party ka dib markii ay tobanaan wasiiradiisa sarsare oo ka tirsan dowladda ay is casileen si ay ugu cadaadiyaan inuu xilka isaga tago.

Marka loo eego nidaamka doorashada Ingiriiska, ra’iisul wasaaraha waa la bedeli karaa iyada oo aan loo baahnayn in lagu dhawaaqo doorasho guud.

Maalinta Khamiista ah ee brri baarlamaanka ayaa galaya fasaxa xagaaga. Muxaafidku waxay dooranayaan hoggaamiye cusub kadib lix todobaad oo olole doorasho ah taas oo loo tartamaayo 200,000 oo xubnaha xisbiga Muxaafadka ah.

Natiijada kama dambaysta ah waxaa lagu dhawaaqi doonaa Sebtember shaneetada. Ka dib markii uu ka badbaaday cod kalsooni ah maalintii Isniintii, Johnson wuxuu sii ahaan doonaa ra’iisul wasaare ku meel gaar ah ilaa Konserfatifku ay dooranayaan beddelkiisa.

Rishi Sunak iyo Liz Truss

Rishi Sunak, waa 42-sano jir, asal ahaan ka soo jeeda Hindiya, madaxii hore ee maaliyadda, wuxuu u codeeyay in laga baxo Midowga Yurub aftidii la qaadey sanadkii 2016. Sumcaddiisu aad bay u sii xumaaneysey tan iyo markii si cad loo ogaaday inuu jabiyay qawaaniinta xanibaada Covid-19.

Sadaasha codbixintu waxay muujinaysaa in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Liz Truss ay taageero ka badan Sunak ka haysato xubnaha xisbiga Konserfatifka.

Liz Truss waa 46-jir hadda mas’uul ka ah wada-xaajoodka u dhexeeya EU iyo Britain ee ku saabsan xeerarka ganacsiga ee Brexit ka dib caqabada Waqooyiga Ireland. Waxaa la og yahay in ay mawqif adag ka qaadatay Midowga Yurub. Truss ayaa u codeeysay in ay ka soo horjeedo Brexit sanadkii 2016, waxaa sidaas ku eedeeyey Sunak, sidoo kale waxa uu ku eedeyey in ay horey ga mid ahaan jirtey Xisbiga Liberal Democrats, ka hor inta aysan u soo wareegin Xisbiga Conservative.

Hanad Askar

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post