951 Views

SAWIRO:-Soomaaliya & Shiinaha oo ka wada-hadlay Arrimo muhiim ah

SAWIRO:-Soomaaliya & Shiinaha oo ka wada-hadlay Arrimo muhiim ah
____________________________________________________________________________

ogadisho  –December 24 2019 | QOL |   Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China, Mudane Qin Jian.

 

Kulan gaar ah oo ay yeesheen ayaa intii lagu guda-jiray kulanka looga hadlay dhowr arrimood oo la xiriira xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal.

 

 

 

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka China waxa ay fallanqeeyeen arrimaha labada dal ee Soomaaliya iyo China muhiimadda u leh.

 

Sidoo kale waxa ay isla eegeen hiigsi cusub oo looga dhabaynayo iskaashi sal ballaaran iyo xiriir dhow oo ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah si loo xoojiyo howsha laba geesoodka ee dhinacyada kala duwan leh.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment