1380 Views

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo la Kulmay Boqorka Jordan

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo la Kulmay Boqorka Jordan
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 09, 2018—Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ku sugan dalka Jordan ayaa kulan la qaatay boqorka dalkaasi, Boqor Cabdalla

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo boqorka dalka Jordan ayaa ka wada hadlay adkaynta xariirka labada dawladooda.

Boqor Cabdallaha Jodran ayaa bogaadiyay horumarka ballaaran iyo soo kabashada baaxadda leh ee Soomaaliya ay ku tillaabsanayso waxa uuna ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqaynayaan shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya iyo Jordan ay lahaayeen waligood xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinimo iyo is-xitiraam, hadana ay muhiim tahay in la xoojiyo.

Mudane Mahdi  ayaa sidoo kale la kulmay kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee dhanka Bini’aadninimada iyo qaar kamid saraakiisha ciidanka dalka Jodran.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Jordan u tegay ka qayb galka shir looga hadlayo dagaalka loogu jiro yaranta ficillada argagaxisada iyo fikirka xagjirka ah

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment